26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maanta Kulan Gaara Laqaatay Wasiirka Arimaha Dibada Ee Wadanka Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta, halkaas oo u tegay hawlo shaqo oo la xiriira kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ayaa waxaa uu maanta soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dawladda Etihopia.

Madaxweynha Dawladda Puntland ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopian waxaa garoonka diyaarada ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia mudane. Workneh Gebeyehu.

Soo dhawayn kadib ayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Etiopa Mr. Workneh Gebeyehu waxay kulan gaara ku wada yeesheen qolka nashada marti sharafta ee garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport.

Kulankan gaara ee Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia wada yeesheen ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka Dawladda Puntland iyo Dawladda Ethiopia, xasiloonida iyo adkaynta nabadgelyada, ladagaalanka Argagaxisada iyo sidoo kale kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan.

Sidoo kale kulnaka ayaa waxaa  looga wada hadlay isbedelka doorashii ka dhacaday Soomaaliya iyo guud ahaanba siyaasada Soomaaliya iyo sidii hore loogu sii socon lahaa, soomaaliyana loo gaadhsiin lahaa heer wanaagsan oo looga gudbi karo caqabadaha ka jira amaanka iyo heerka nolosha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Ethiopia ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland ugu hambalyeeyey doorka wanaagsan ee Dawladda Puntland markasta ka qaadato ladagaalanka budhcad badeeda iyo kooxa argagaxisada ah, kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia xidhiidhka dhow ee ay markasta la leedahay Puntland, ayaa dhinaca kalena tilmaamay inay xiligani jiraan Abaaro iyo colaado soo noqnoqday oo ku baahay Soomaliya,  gaar’ahaana Puntland ay abaarahaasi ay ka geysteen macaluul iyo haraad xoogan oo dabar jaray dad iyo duunyoba, islamar’ahaantaana xaalufiyey deegaan ka dulka.

Ugu danbayn: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa inta uu kusugan yahay magaadala Addis Ababa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda sare ee Dawladda Ethiopia, IGAD, African Union, beesha caalamka iyo hay’adaha safalka ee xarumha ku leh Ethiopa.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIG-ELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

IMG_2033 IMG_2034 IMG_2036 IMG_2038 IMG_2041 IMG_2044 IMG_2045 IMG_2049 IMG_2050 IMG_2054 IMG_2055 IMG_2056 IMG_2057 IMG_2058 IMG_2059 IMG_2060 IMG_2061 IMG_2062 IMG_2064 IMG_2065 IMG_2066 IMG_2067 IMG_2071 IMG_2073 IMG_2074 IMG_2075 IMG_2076

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*