18th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 June 2017 ku wareejiyey Saddex Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Dollar labada Guddi ee  mashaariicda   Airport  ka Garoowe iyo waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, lacagtaasi oo loogu talagalay dhamaystirka ladaasi mashruuc.

Munaasibada uu Madaxweynu ku wareejinayey lacag taasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudiga dhismaha Airport ka Garoowe iyo guddiga dhamaystirka wadada Ceeldaahir Ceerigaabo, maamulka degamada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Isimo, nabadoono, cuqaal, aqoon yahano, iyo qaarkamida bulshada qaybaheeda kala duwan.

Lacagtani uu Madaxweynuhu ku wareejiyey labdaasi guddi ayaa u kala qoondaysneyd sidan:-  Airport ka Garoowe Labo Milyan iyo Shan Boqol oo kun oo Dollar ($2,500,000), halka wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo -na loo qorsheeyey Hal Milyan oo Dollar ($ 1,000,000) waxaana uu madaxweynuhu lacagtaasi ugu tala galay dhamaystirka iyo dardar gelinta labdaasi mashruuc ee habawlaha u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn usoo jeediyey  mahadnaq, bogaadin iyo amaan guddiga ku hawlan dhamaysirta iyo dardar gelinta wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, kuwaas oo uu madaxweynuhu sheegay inay yihiin guddi ay dhab ka tahay dhamaystirka mashruucaasi bulshada Puntland halbawlaha u ah, waxaana  uu xaqiijiyey inay yihiin gudigaasi guddi ku filan shaqadooda.

” Runtii waxaan aad ugu mahad naqayaa oo mahad gaara u jeedinayaa gudiyadii ku hawlanaa hawshan, guddiga wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, runtii aad iyo aad baan u amaanayaa waana mahadsan yihiin, waa dad bulshada reer Puntland kamida oo isu xilqaamay hirgelinta iyo taaba gelinta mashruucani muhiimka u ah dadkeena iyo dalkeena, runtii hadii aysan iyagu isxilqaamin oo qaadan hogaaminta wanaagsan, oo marwalbana guubaabada iyo dhiiri gelinta aysan la garab joogin mashruucu halkaa masoo gaadheen, dabcan dawladduna talaabada ay qaaday ma aysan hirgasheen iyaga la’aantood, anaguna dhaqaale uun baan ku taageerayney” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlay muhiimada mashruuca dhismaha gegida diyaaradaha Garoowe ayaa bogaadiyey guddiga ku hawlan mashruucasi iyo cidwalba oo ka qayb qaadatay hirgelinta iyo socodsiinta dhismaha garoonkaasi, waxaana Madaxweynuhu uu sheegay in mashruucani markii hore balan qadeen dhamaysrikiisa Dawladda Kuwait hase yeeshee wejigii labaad ee mashruucaasi ku yimi dib udhac ka yimid dhinaca dalka Kuwait, maantana loo baahan yahay in bulshadda Puntland ku dhameeyaan isku tashiga ay ka midaysan yihiin.

” Garoonka diyaaradaha Garoowe waxaa gacanta ku hayey wasaarada duulista hawadda Puntland laakiin dabcan waxaa jirey marwalbaba dad is xilqaamayey oo hawshaasi ay ku weyneyd ha’ugu horeeyeyo Islaan Maxamed Islaan Ciise” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha Airport ka ay ku baxayso dhamaystirkiisa Saddex Million oo Dollar dawladduna maanta ay bixisay Labo Million Iyo Shan Boqol oo dollar, inta hadhayna lagu eegi doono shacabka Puntland sida ay hadba uga qayb qaataan intaasi hadhay, isla markaana shacabka lagaga tala gelidoono mashruucani sida ay hadda uga qayb qaataan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay  in waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo muhiimad gaara u leedahay Puntland, isla markaana aanay mashaariicdu ku koobnaan doonin wadadaasi oo keliya, waxaana uu xusay in shaqaalaha wadada ka shaynayaa ay yiihiin kuwo xirfad leh, taasina ay keentay in lahirgeliyo wadada ugu tayada wanaagsan ee guud ahaan kutaala Soomaaliya, sidoo kale madaxweynaha ayaa odorosay muhiimada ay Puntland u yeelan doonto wadada Garoowe- Eyl oo dhowaan Madaxweynuhu dhagax dhigay.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*