27th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Furey Shirka Wadatashiga Golaha Iskaashiga ee Dowladdaha Xubnaha Ka ah DFS oo Maanta Ka Furmay Baydhabo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Guddoomiyaha golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 14 May 2018  waxaa uu  magalada Baydhabo ka daah furey kulankoodii labaad ee shirka Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa fadhigii maanta ee Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah ee uu shir gudoominayey Waxaa qayb ka ahaa dhammaan madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorsheyaashii hore iyo sidii la xisaabtan dhaba loola geli lahaa  Dowldda Feedaraalka Soomaaliya, yo sidii ay u wada shaqeen lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Dhinca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha kudbad muhiima ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo Federaalisimka si dalkaan horumar u gaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*