28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaaday guul.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*