29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Booqday Qabriga Sheekh Daarood Ismaaciil.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 20 Sep 2018 waxaa booqasho ku tagay qabuurta awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil iyo ayeeyo Doonbiro Dir oo ku aasan Deegaanka Haylaan ee Gobolka Sanaag.

Booqashada qabuuraha Sheekh Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey qaarkamida goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland, nabadoono iyo qaar kamida waxagardka Gobolka Sanaag.

Dhinaca kale Sheekh Daarood Ismaaciil iyo  Doonbiro Dir ayaa waxaa ka farcamay qaarkamida Soomaalida ku nool daafaha caalmka waxayna noqonaysaa booqashadan uu madaxweynaha Dowladda Puntland ku tagay mid taarikhi ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ugu horreyn booqday qabriga Sheekh Daarood Ismaaciil ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamida culumada gacanta ku haysa qabriga Sheekh Daroood wuxuuna ka xog wareestay xalada guud ee deegaanka, isla’markaana madaxweynaha ayaa u duceeyay Sheekh Daarood Ismaaciil inuu janadii fardowso Alle ka waraabiyo.

Ugu danbeyn Madxaweynaha Dolwadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday qabriga  Doonbiro Dir oo ahayd xaaska awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil oo meel saa aan uga fogeyn Qabriga Sheekh Daarood ku aasan isla’markaana Madaxweynaha ayaa u duceeyay  ayeeyo Doonbiro Dir in janadii Fardowso Alle ka waraabiyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*