14th July 2026  admin  Category :

HogaamiyahII Khaatumo dooratay oo ka mid nioqday Barakacaashii Majeerteen ee Muqdisho ka soo jabhadaynayey.,

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaliya waxa ku sugan labo kooxood oo reer Puntland AH, oo si kala duwan mucaarad ugu ah madaxweynaha Puntland Cabdulaahi Siciid Deni,

Kooxda kowaad ee mucaaradKA dENI waa wada Majeerteen, gaar ahaab beesha Ciise Maxamuud , waxay barakac ahaan Ku joogaan magaalada Muqdisho, si ay uga soo jabhadeeyaan. Kooxdani waxa ka mid ah Xasan Abgaal, Cali Xoosh iyo Jimcaale. Waa koox ka caraysan inay waayeen hagbaddii hogaanka Puntland, waxay ku doodayaan in Cismaan Maxamuud iyo Cumar Maxamuud, mid laba goor ay soo qabten hogaanka Puntland oo markoodii labaad uu dhaafsiiyey Madaxweyne madaxweyne Deni oo isaga labo goor xilka madaxweynaha loo doortay, isaga oo ka soo jeeda Cismaan

Kooxdani waxay xiriir fiican la leeyihiin maamulka Isaaqland iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Khaatumo oo weli xiriir wada shaqayna la leh maamulka Isaaqland.

Kooxda labaad waa koox la yiraahdo ‘ Reer Bari” waxay isugu jiraan Dishiishe iyo Majeerteen, waxay ku milmeen argagixisada Buuraha Cal madow iyo Cal miskaad. Kooxdan kale iyaguna waxay ku sugan yihiin Muqdisho oo waa ku mucaarad madaxweyne Deni, sababtoo ah waxay ku doodayaan in haddii Dhulbahante maamul samaysteen oo ay ka baxeen Puntland in la siiyo oo ay xaq u leeyihiin madaxweyne ku xigeen iyo wasiiraddii ay beeshaasi haysatay . Waxa jira qaar ka mid ah kooxdan, oo ka soo jeeda Beesha Cali Saleebaan oo iyaga taasi u sii dheer tahay Degaan doon iyo dhul balaadhsi ay ku sii badsadaan Carmo.

Mucaaradii Majeerteen ee Hagbadda la dhaafiyey iyo Reer Barigii Madaxweyne ku xigeenka doonayey waxa ku soo biiray Hogaamiyihii Waqooyi Bari fIRDHIYE, oo horay socdaalkiisii ugu horeeyey ku tegay Xafiiska Hertage ee ku yaala Muqdisho, aadkana ay u wada shaqeeyaan maamulka SNM. Intaas ka dibna hogaamiyaha Waqooyi bari waxa hoy u noqotay Muqdisho. Taleex iyo Buuhoodle weli midna ma tegin.

Mucaaradnimada Firdhiye ku biiray Majeerteenka Mucaaradka ah ee Muqdisho jooga iyo tegitaanka Ciro uu u tegay Netanyahu waa isku xiran yihiin waana qorshaha la doonayo in Soomaaliya lagu kala qaybiyo.

Ugu danbayntii dad badan oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante ayeey yaab ku noqotay hogaamiyihii ay doorteen oo dhinac tagan Barakacayaashii beesha Majeerteen ee martida u ahaa ururka Hawiye Action Group.Maanta sida xaalku yahay waa in xilka laga qaadaa Firdhiye intaanu Laascaanood u gacan gelin mar kale SNM

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*