26th July 2024  admin  Category :

Zakariye Xaaji Cabdi, wuxuu ahaa ninkii ugu qaylada iyo mucaaradka badnaa waqtigii Allah u naxariistee uu  Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf.

Howshaa weyn uu qabtay iyo sawaxnkiisii warbaahinta uu la taagnaa ayaa   beesha Hawiye ee Muqdisho degtaa ee waqtigaas mucaaradka hubaysan ahayd    waxay ugu abaal gudeen si ay ugu awr kacsadaan    Zakariye    Gudoomiye ku xigeenkii   Ururkii la baxay  Isbaheysiga Xoreynta iyo dib u soo nooleynta qaranka Soomaaliya, oo xaruntiisu ahayd Asmara Caasimadda  Eritrea. Markii danbena uu ururkasi  isu  bedelay Maxaakiimtii. Ka dibna uu  sii noqday ururkaasi  Alshabaab

Maanta Fiqi tolkiis kama jano tago Xildhibaan Zakariye Xaaji  wuxuu dhexda ugu jiraa Xildhibaanadii iyo wasiirkii ka soo jeeday  beesha Leelkase, Daarood.

2007 iyo 2017 wax badan ayaa iska  bedelay Siyaasadda Soomaaliya. Jaamac Cali Jaamac Saaxadda  siyaasadda waa ka baxay, oo Isaguna mucaarad ahaa , Cali Baashe Somaliland ayuu ku danbeeyey, Cali Daacuun weli waa qaylinyaa oo xil gacanta kuma hayo.

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*