27th July 2024  admin  Category :

Sawirkan kama sameeyeen siyaasi Hargaysa iyo MUqdisho jooga.

Horaa Soomaalidu ugu maahmaahday “Fiqi Tolkiis kama Jano tago. Amin Caamir oo ka xanaaqsan nin ay isku beel yihiin oo ka soo jeeda beesha Banaadiriga oo lagu magcaabo Axmadeey Abukar, oo ah MUlkiilaha Talafishanka Universal oo dhowaan laga mamnuucay in degaanada beelaha SNM ay degaan uu ka shaqeeyo ayaa isaga oo u aargudaya Ina adeerkiis sida ganacsiga loo xanibay wuxuu soo dhigay sawirka kor ku xusan oo xitaa ay ka xishoodeen gumaystihii iyo kuwii dadka madow gumaysan jiray inay soo bandhigan

Sawirkan ayaa in Cali Koore oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante wuxuu Amin Caamir u ekaysiiyey Eey ay gaar u leeyihiin beesha Isaaq. Waa gef diimeed, dhaqan, Soomaalinimo iyo isaga oo Soomaaliya ka ah beelaha dulman inuu sawir noocan ah uu sameeyo. Sawira sida ka muuqata waa Muuse Biixi oo Eey ahaan xariga uga haya Ina Cali Koore oo ka soo jeeda Taleex, xaruntii Daraawiishta oo ay ku qoslayaan labo Oday oo sida muuqata loo ekaysiiyey Banadiri

Amin Caamir oo horay ugu caan baxay sawirada laaluushka lagu siiyo in siyaasiyiinta ku aflagaadeeyo ayaa hadda sida muuqata sawirka uu soo dhigay uu yahay Hiil qabyaaladeed.

Allsanaag.com, news allsanaag,,com

One thought on “Fiqi Tolkiis kama Jano tago

  1. Mohamed

    Haddii si kale loo dhigo waa la oran karaa in Koore oo ka soo jeeda Jebertiga faraca Somalia in uu isagu laftisu duco ka haysan Jebertiyiinta Harti ama Daaroodba. Waa nin codka
    Sare u qaada ama cod Daarood leh laakiin isaga keliya garan karo ujeedooyinka uu nolol maalmeedkisa u debero.

    Somali waxay tiraahdaa nin Durbaan qaatay, qaylo dalbay. Ina Koore horta dan maka geli karaa sawirkan?

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*