23rd December 2024 admin Category :
Zakariye Xaaji Cabdi, wuxuu ahaa ninkii ugu qaylada iyo mucaaradka badnaa waqtigii Allah u naxariistee uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf.
Howshaa weyn uu qabtay iyo sawaxnkiisii warbaahinta uu la taagnaa ayaa beesha Hawiye ee Muqdisho degtaa ee waqtigaas mucaaradka hubaysan ahayd waxay ugu abaal gudeen si ay ugu awr kacsadaan Zakariye Gudoomiye ku xigeenkii Ururkii la baxay Isbaheysiga Xoreynta iyo dib u soo nooleynta qaranka Soomaaliya, oo xaruntiisu ahayd Asmara Caasimadda Eritrea. Markii danbena uu ururkasi isu bedelay Maxaakiimtii. Ka dibna uu sii noqday ururkaasi Alshabaab
Maanta Fiqi tolkiis kama jano tago Xildhibaan Zakariye Xaaji wuxuu dhexda ugu jiraa Xildhibaanadii iyo wasiirkii ka soo jeeday beesha Leelkase, Daarood.
2007 iyo 2017 wax badan ayaa iska bedelay Siyaasadda Soomaaliya. Jaamac Cali Jaamac Saaxadda siyaasadda waa ka baxay, oo Isaguna mucaarad ahaa , Cali Baashe Somaliland ayuu ku danbeeyey, Cali Daacuun weli waa qaylinyaa oo xil gacanta kuma hayo.
ALLSANAAG.COM