29th March 2024  admin  Category :

Hoggaanka maamulka Puntland ee tallada haya waqtigan ayaa qeeyb weeyn ka ah caqabaddaha hortaagan in dalka Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo. Waxaa dhici karta in qaar badan oo ka mid ah shacabka Puntland laga dhaadhiciyey in Farmaajo uu yahay mixnada doorashada hor taagan.

Puntland sababta ay qeeb weeyn uga tahay qilaafka doorashada waa iyada oo Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Ahmed Madoobe iyo kuwa la socda ay u noqtay miisaan siyaasadeed oo Farmaajo looga hortago. Taasina waa mida suurta gellisay in markii uu Deni tegay magaalada Muqdisho uu miiska soo saaray shuruudo meel ay u socdaan aan la garaneeyn oo doorashada aan wax shaqo ah ku laheeyn iyo abaabulka Badbaado Qaran waxa loogu yeeray.

Hadaba shuruudaha faraha badan ee uu Deni miiska keenay, waxeey dhalisay in shirkii lagu kalla tago, baarlamaankana uu labbo sanno ugu daro dawladda si doorasho qof iyo cod ah loo soo diyaariyo. Intaa ka dib, Magaalada Muqdisho waxaa ka billoowday abaabul dagaal oo ay horboodayaan saaxiibada Deni ee ka soo jeeda beesha Hawiye.

Wixii Muqdisho ka dhacayey ee ahaa abaabulka iyo iska hor imaadka dagaal, maamulka Puntland arrintaas kama aysan hadlin, balse waxa uu hoggaanka u muuqday mid ku diirsanaya in Farmaajo culleeys dagaal lagu qaaday.

Markii uu Farmaajo ka noqday labbadii sanno ee loogu daray si doorashadii dadbanneed loogu noqdo, Puntland waxeey dib ulla soo noqotay shuruudihii ay ku xireeysay shirka oo ah beesha caalamka hadii aysan casuumin aysan shirka ka qeeyb galli doonin, dabcan shuruudihii kallana jeebka ayeey ku sitaan.

Puntland hoggaankeedu marna miiska ma keenin wax quseeya danta Puntland iyo waxa ay gooni uga tabanayaan arrimaha doorashada. Ma xubno ay Puntland leedahay ayaa la geeyey magaalo kale oo lagu dooranayaa? Ma Farmaajaa yiri annaa idiin soo xullaya xubnaha baarlamaanka? Ma wax gaar ah oo Puntland lagu beegsanyo ayaa lagu kacay?

Hadaba, maadaama hoggaanka Puntland ay ku celceliyaan marar badan ineey yihiin ‘Hooyadii Federaalka’ ay maanta ayaan darro tahay ineey garab siiyaan niman aan dadkooda iyo dalkooda midna aan ka naxeeyn oo si kursi ay u hellaan darteeyd ku tallagalay ineey dhulka la simaan magaalada Muqdisho.

Puntland waxeey u baahan tahay hoggaan matala waxa ay shacabka Puntland mudan yihiin oo ah in ay tusto Soomaalida kale hoggaan miisaan leh oo ka shaqeeya danta guud ee ummada Shoomaaliyeed, kuwo is diidana isku soo celliya, una noqda tusaale wannaagsan dhammaan hoggaamiyayaasha kale ee Soomaalida.

Gabagabadii, Farmaajo waxaa la gudboon in wixii wadahadal ah ee ku aadan doorashada uu la yeesho mucaaradka Hawiye, maadaama hoggaanka Puntland ay ku shaqeenayaan waxa mucaaradka Hawiye ay rabbaan. Ma habboona in waqtiga la isaga lumiyo hoggaanmiye aan ku socon fakirkiisa, waxa uu diidan yahay, waxa uu ogol yahay iyo waxa shacabkiisa ay rabbaan.  

15 thoughts on “Fashilka Hoggaanka Puntland

  1. Jaamac

    Asc. Mafiicna in dadka lamarin habaabiyo taas waxaan ula jeedaa Puntland iyo madaxdeedu waxii ay xaqa ulahaayeen ayay dhuusamareeb iyo muqdisho latageen , Farmaajo waxa uu rabay in uu sharci daro xukunka ku dheerayso isla markaasna yiraa waxaan xukumayaa soomaaliya oo ay puntland kujirto majirin meel uu kusheegay puntland ha idayso soomalida kale ayaan xukuma yaaye sidaa daraadeed Puntland waxay ka hadashay wax ayada quseeya Hawiye na Fahad iyo Farmaajo in ay iska qabtaan waa ku saxsanyihiin .

    Reply
  2. Mustafa Farah

    ???
    Ma hadaad ogateen inuu Fashilmay hogaanka puntland?
    Waxa la odhan karo maamul goboleed oo metela degaanka balaadhan ee hartiyeed wuxu u dhowaa inuu qabsoomo xiligii madaxweynihii
    Hore ee cabdulaahi yuusuf .ilaahay ha u naxariisto . Wixii intaa ka danbeeyey huhaa ayaa laga wadey Garoowe.

    Reply
  3. Jirac

    Maashaa Allah it’s time DENI UU NA TUSI LAHAA INUU YAHAY” HOGAAMIYE U QALMA INUU HOGAAMIYO DALKA PUNTLAND” waa wada ognahay inuu aad ugu xagliyey saaxiibadii DAAMUL JADID lakiin waxaan u laqayney waxay aheyd in masiirka umada Somaliyeed meel la saaro marka hore oo aan aad ugu adkeyneynay inayyan ka tagin Mogadishu iyakoon meel saarin. Hadaba wixii dhacay way dhaceen MAANTAAN OGA FADHINAA INUU NA TUSO INUUSAN QEYB KA AHEYN PUNTLAND CAQABADAHA HORTAAGAN DOORASHADA IYO INUU MEEL SAARO DANTA PUNTLAND. WAA EASY HADUU SAARI WAAYO IN ISAGA MEEL LA SAARAYO ISAGOON GARANEYN MEEL LOOGA YIMID OO AAN WALIBA WAQTIGA DHAMEYSAN SO FAR HIS APROVAL RATING IS 59% if I rate him. Waa run inaan aad oga baqaney in Farmajo system ka dowladnimo ee hada jira ee hoos wax laga soo dhisayo inuu isku dayey inuu bur buriyo waayo waxaa keenay bur bur kii 1991 ka dhacay dalka ee loogu walqalay dibirgoynta Daarood dowlad nimadii Somaliyeed na godka ugu dhacay waa muhiim in la’is xusuusiyo dhacdadaas waayo REGIME BAA LALA DIRIYEY EE IN LOO BEDELO DIBIRGOYNTA DAAROOD WAA IN LA XUSUUSATAA DADKII KU DHINTAYNA LAFAHOODA MEESHA LOO BAXSHAY LAFO DAAROOD NA PROPER BARIAL LOO SAMEEYAA MUSEUM NA LOO DHISAA INSHA ALAAH.

    Reply
  4. Haashim

    Miyaad ka maqashay Deni oo ka hadlaya qodabadaa aad soo qoraty.
    Wuxuu Muqdisho la tegay taliyayaasha ciidanka hebel iyo hebel shaqada halaga ceeriyo, madaxweeynaha warqad ha saxiixo, AMISOM ciidanka wax illaalinaya ha noqoto, waa nala sumeenayaa, wiilasha cad cad shirka ha shir guddoomiyeen, Damun jadiid shirka waa ineey soo fadhiistaan hadii kale wax doorasha ah lama aadayo. Soomaalida waxeey tiraahdaa salaad kasta waqtigeedaa la tukadaa meesha doorasho sidii loo aadi lahaa ayaa looga hadlayey marka qeeyraad iyo dastuur meesha loogama hadleen. Deni fashilkiisa qiil malaha

    Reply
  5. Haliye

    Hadii waxaa fikirkaaga shaqsiga la raaci waayo ma aha in hogaanka Puntland fashilmay, Puntland maanta maray ka fiican tahay ma soo marin ee qoraaga maqaalka baa raba inuu Cv shaqo ka dhigto Puntland baa wax ka sheegay.
    Puntland waa maamulka keliya ee dhaqaale ahaan, nabadgelyo iyo siyaasad ahaanba xasilan oo weliba intaa weerar lagu ahaa.
    DOON SII DEGAYSA BAA DABADA HAYSATAA.
    PUNTLAND WAA JUBBALAND, JUBBALAND WAA PUNTLAND.
    Farmaajo wuxuu Puntland kula diriray Jubbaland ka hara, aan ku wareejiyo reer DIINI Kismaanyo.

    Reply
  6. Haliye

    Farmaajo wuxuu xataa visiha-II u diiday shaqaalihii dhisi lahaa wadada Garoowe iyo Boosaaso.
    Wuxuu u diiday shahaadadii dugsiga sare ardada Puntland,
    Maanta wuxuu ku dhawaaqay in Jaamacadaha Puntland oo Soomaaliya kuwa ugu tayo roon in aqoonsiga lagala noqdo.
    Farmaajo waa nin xanuunsan oo Federal diid ah waa inuusan soo noqon wax kasta oo ku kacdo.

    Reply
  7. Ahmed

    Yaa maanta shirka Muqdisho inuu qabto laga sugi karaa ma ini Farmaajaha dagaal oogaha noqday ee dadkii qaxiyay xasaradana abuuray ayaa somali shir u qabanaya? Waxaan filayaa qoruhu inuusan wax badan kala socon siyaasada somaliya. Puntland shan mar oo hore ayay diiday shirarka beenta ah ee ini Farmaajo ku hadaaqo waayo Farmaajo wakhtigiisii waa dhamaaday Puntland ma aqoonsana sidaa daraadeed shirkiisu waxba soo kordhin maayo. Yaa marka shirka qabanaya hadaysan beesha caalamku ka qaban yaase qabtay kan kii ka horeeyay ee uu Farmaajo ka cararay? Sow beesha caalamku may qaban. Waxaan filayaa qoruhu waa CBB oo aan biyo is marin. Dani sharaf iyo karaamo ayuu leeyahay waa masuul la tashada dadkiisa taladoodana wax ku gooya kuma lug go o been iyo barabugaando.

    Reply
  8. Haliye

    Berigii maxkamadaha islaamiga ah soo baxeen ayaa dadku waxay eedayn jireen Puntland, iyagoo leh maxay u raaci weyday SHABAABKII INDHA-SHAREERKA gashanaa, anigu waa iska aamusay laakiin nin baa diidi jiray, wuxuuna ku doodi jiray, halayska hubiyo.
    Nin qori wata oo sharciga gacanta ku wata yacni wixii maskaxdiisa kusoo dhaca samaynaya, la jiifiyaana banaan lama raaci karo.
    Waa muhiim inta aadan reerka rarin inaad u sahamisid meesha loo guurayo, naq ama doog ma leedahay, biyo ma leedahay, nabadgelyo ma tahay.
    RUMAYSO AMA HA RUMAYSAN, Muqdisho, magaalo madaxdii wadankeena, NINKA IYO XAASKIISA WAA KALA BAQAYAAN. Armay isku kaa qarxisaa/qarxiyaa.
    Waa koonfur oo dhan ilaahay haka saaro, inagana inooma keeno,
    Marka koonfur soo hagaaji intaadan na rarin.
    RAG GOGOSHII WAA NABAD.

    Reply
  9. Ahmed

    Qoruhu waa caananuug siyaasadeed mana fahmi karo siyaasada. Ini Farmaajo isagaa horay uga cararay shirarkii hore hadana gidaarkaa soo celiyay oo dagaal ooge dad badan xauuqay ayuu noqday albaabadii oo dhami waa kasoo xirmeen shir uu somali u qabtana dhicinayo horayna uma dhicin oo mid walba isagaa ka cararay. Puntland horay uga quusatay ini Farmaajo kii ugu danbeeyay beesha caalamka ayaa qabatay maanta oo uu noqday dagaal ooge dad badan dilay qaarna qaxiyay laga sugimaayo inuu shir somali u qabto. Puntland hadslkeedu waa sax waa in beesha caalamku qabataa shir soomaaliyeed oo loo dhanyahay ini Farmaajo uusan ku lahayn wax talo ah waayo waa danbiile dagaal

    Reply
  10. Jacfar

    Hawiye ayaa ku qanaadiraya Muqdisho, puntland waxeey u taagantahay burburinta Daarood iyo kursi si fool xun loo raadiyo. Maanta waxeey is leeyihiin qof abgaal ah ha yimaado idinkana aad ra’iisal wasaare heshaan. Hogaan xumo kaliya ma heesato puntland ee qof kasta oo Daaroodka kale iyagaa lugaha ku dhaga. Bal Puntland maxeey Daarood ku soo siyaadiyeen? Sool iyo Sanaag oo dhul dhameestiran ayaa 1998 puntland loo keenay, maanta Deni wuxuu leeyahay Hadii aan Isaaq u hadlin yaa kaloo u hadlaya. Hawiye ayaa Farmaajo hareereeyay puntland kkkkkkk.

    Reply
  11. Feysal Aden

    Familiar puntland: Puntland fashilkeedu waa dhammaystiran yahay. Gobollada sool iyo sanaag ilaa tukarraq maamulka gobollada waqooyi ayaa haysta. Ilihii dhaqaalaha wey xirmeen. Dariiqii dheeraa waa burburay. Dariiqii muhiimka ahaa ceel daahir Ceerigaabo 5 sano ayuu jiitamayaa oo maamulku wuxuu rabaa inuu mashruucaasu fashilmo sababo siyaasadeed oo ay ugu horreyso tartanka lala gelayo dariiqa dheer.
    Fashilka aasaas waxaa u ah in Axmed Harti , Siciid Harti iyo Maxamuud Harti faraha uga qaadeen maamulks SSDF. MADAXWEYNUHU WAA MS. MAALYADDU WAA MS. TALIYAHA CIIDAMAFU WAA MS. GUDOOMIYAHA MAXKAMADACSARE WAS MS. Taas mscnaheefu waxa weeye haddaad idku Dando inaad kahoryimaaddo ciidanka iyagaa maamula. Markii lacayrinayay sideeeda xildhibaan maxkamadda iyo qalinka ayaa loo isticmaalay. Dhaqaalihii iyagaa haya. Madaxweynuhuna waa tayda uun baa socon. Ceeb kama?wado laakiin wixii ssdf tiri waanuvkula dagallanay Siyaad ayay Puntland kawaddaa. Caddaalad haddaanay iman sunnaha ilaahay was burbur gooray nowotaba. Aan Federal ukaadinno oo tan caddaalad kasamayno hadfii kale burbur baa inoo dambsyn waqti dhow.

    Reply
  12. Mohamed

    Waxaa halkaa dhigay somali waa darood madaxdoodii waayo way xukun jecel yahiin lakiin sida wax loo maamulo ma yaqaaannaan dhib iyo qabyaalad uun bay ka shaqeeyaan, madaxweynihii ugu horayey iyagaa dil waa abdirashiid illaahay haw naxariisto, siyad barre waa ogtihiin halkuu ku danbeeyey Somali baabiyey, Abdillahi yusuf xoog baa dalka lagaga saaray markuu xabashi ku dhameeyey Hawiye, kanna waa aragtaan markii lays yidhi ninkabaa mutaclim ah ka soo shaqeeyey wadamada horumaray ee ilbaxnimadu iyo demoqraayadadu ku shaqeeya inuun wuu dhaami lakiin kuwii horeba isagaa kaliita oo doonay inuu ku daydo afarwakiga Ereteria caqliba mahayo Hawiyo oo aan dan kalahayn in la maamulo ayuu maamulan kariwaayey, Daarood laba maamiul gobolayd ayuu gacantaeku hayaa labadaba shabaabaa goortay doonaan soogala oo waxay doonaan ka sameeyaan nabadgelyo ayey ka saxi kari waayeen iyagiibaa isa sii kala qodaya, dadka shicibka ee Daaroodba sidaas ayey ugu dulman yahiin markaa waxaan odhan lahaa madaxda Daarood ummadda somaliyeed dhibka ha ka daayaan

    Reply
  13. jama

    intaydaan waxaas oo dhan ka hadlin horta waa kuma dani lolo dani waa africa aabahiis laga soo iibsaday umana naxayo dadkii soo iibsaday waayo uu aarsanayaa , dhulka iyo dadkaba waa iibinayaa , markaa ninkii wax kasuagayoow u diyaar garoow in lagu iibsho

    Reply
  14. Haliye

    Wiilow Harti.
    Walaal horta caydu ma fiicna weliba waa Ramadan, laakiin Farmaajo waxaa la weydiiyay SSC, wuxuu yiri kama jawaabi karo,
    Dhibka Farmaajo Puntland ku hayo waxaa ugu danbeeyay Jaamacadaha Puntland oo uu yiri aqoonsiga kala noqda, awalna waa la ogaa xataa inuu isku dayay inuu dagaal sokeeye ka rido.
    Reer Puntland ma aha dad shilling lagu gadan karo cidii soo weerartana waa iska celin.
    Meesha qabiil ma yaal ee dastuurka halagu dhaqmo baa yaal.
    Itoobiya waa walaal, qaadkeeduna waa xalaal.
    Kenya waa xaaraan, qaadkeeduna waa xaaraan. Emirates waa cadow, Qadar waa walaal.
    Farmaajo waa wadani, Qalbi dhagax Itoobiya u dhiib.
    DAAROOD BAA AHAY, JUBBALAND IYO PUNTLAND WAA CADOW oo ku duul Jubbaland.

    Reply
  15. Haliye

    Farmaajo target-kiisa weyn wuxuu ahaa sidii reer DIINI uu Kismaanyo gacantooda u gelin lahaa reer Jubbaland-ka kalana oo ku jiraan SADE koonfur uu banaanka uga dhigi lahaa, yacni boorso Barre Hiiraale ku jiro buu hoostaa ku sitay waa ka fashilantay.

    Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*