9th May 2024  admin  Category :

In Laascaanood laga  xoraynayo SNM,  waxaad ku ogaan lahayd   17 Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante ku leeyihiin baarlamaanka Puntland  oo ka jawaabi lahaa  Cabashiidii Beesha Axmed Harti oo taariikhdu markii ugu  horaysay ka codsaday in caddalad darada ay beesha Majeerteen ku sameeyeen ay wax ka qabtaan oo ayna ansixin golaha Wasiirada  ay  soo dhiseen  Madaxweyne Deni iyo Cabdiraxmaan Faroole

Golaha wasiirada cusub ee Puntland oo u badan Aaran jaan, ayaa  intoodooda badani ay magcyadooda soo gudbiyeen kuwii diidanaa in Laascaandood laga  xoreeyo SNM, dhowaana ugu baaqay in  Beesha Isaaq isaga baxaan  Tukaraq oo  gobolka Sool intiisa kale ay  sii haystaan.

Beesha Tiinle ee Axmed Harti, ee aan xad la lahayn  Beesha Dhulbahante,  ayaa maamulka Puntland  Horay  ugu lahaan jirtay wasiir ku xigeen, halkii wasiir ku xigeen ay ku lahaayeen maamulka Puntland  ayaa la siiyey Mid ka mid wiilasha uu Sodoga u yaay madaxweynaha Cusub ee Puntland.

Markii arintan Foosha Xun dhacday ,  ayaa Beesha Tiinle ee Axmed Harti  waxay Baaq u direen Xildhibaanada beelaha Dhulbaante iyo Warsangeli, iyaga oo ka codsanaya inay caddlad ahayn in mid ka ah beeliihii Puntland wada dhistay  ay ka helaan golahaa wasiirada ku dhowaad 20 , iyaguna wasiir ku xigeenki ay ku lahaayeen dawladda laga qaado. ” Hartoow idinka oo caddaalada walaalnimo eegaya  yaan la ansixin dawladda xaaranta oo ay soo dhiskeeda ay  saamayn ku lahaayen ihiin kuwo xaaraamiyiin ahaa ee reer Puntland horay u kala diray “.

17 Xildhibaan ee ka soo jeeday beesha Dhulbahnate, sagaalkii ka soo jeeda beesha Warsangeli iyo 33kii ka soo jeeday beeshii Majeerteen ee madaxweyne Deni iyo Faroole, dheg jalaq uma siin cabashadii beesha Tiinle. 17+9+33= 60 waxay beeshii Tiinle kadoorteen Aaran Jaan.

Ugu danbayntii, Puntlandta wada socota oo Laascaanood Xoraynsa  xagee ka imanayaan . Siyaasiyiinta  beesha Majeerteen iyo Faroole waa igu talo galeen in sidani inay  dhacdo oo ay reer Puntland is nacaan . Waxaana mar kale loo adeegsaday arintan  in beesha  Isaaq sii haysto Laascaanood Xildhibaanada Dhulbahante oo qaarkood joogeen maalintii la qabsaday

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*