12th January 2025  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo saaka ku kulmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay ahmahiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba, iyadoo guddiga markoodii ugu horeeyey ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*