26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo oo Xerada Xalane kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Mareykanka

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka ay usoo magacawday Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay Xarunta ciidamada AMISOM ee Muqdisho ee loo yaqaanno Xalane oo ku taal xeyndaabka sida aadka ah loo ilaaliyo ee Garoonka Diyaaradaja Xamar, halkaasoo wada-hadallo kooban kula qaatay Donald Yamamoto.

Xarunta Villa Somalia ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay waxay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu maanta warqadaha Aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay Donald Yamamoto, iyadoo aan warbixintaan lagu xisin halka arrintani ka dhacday.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu Waraaqaha aqoonsi danjirenimo uu Xalane ama safaarad dhexdeed kaga guddoomo safiir waddan kale uu u soo magacabaay Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*