26th July 2024  admin  Category :

Waa kuma jabhadka SNM ee Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda beesha isaaq , isagoo xilal ka soo qabtay.

Waxaa uu horaantii sanadkan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda beelaha Isaaq

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada maamulka SNM.

Sidoo kale waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa La Taliyaha dhanka Sharciga ee Guddiga doorashooyinka Qaran ee Madaxa banaan ee Soomaaliya.

https://allsanaag.com/madaxweyne-farmaajo-oo-xil-ka-qaadis-ku-sameeyay-guddoomiyaha-maxkamadda-sare/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*