29th January 2023  admin  Category :

Farmaajo Oo La Kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee QM Amina Jane

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

Farmaajo iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*