7th September 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda maamul goboleedyada aan MAYA aqoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoogga saaraya sidii uu fashilin lahaa lahaa Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa horay Ajabdihiisu ahaa saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowladnimadeenna oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, kana turjumeysa himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa  Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Farmaajo , ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa cid kasta oo kala shaqaynaysa sidii uu muddo kororsi u samayn lahaa .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*