29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in wadajir loogu istaago dhibaatada bini-aadantinimo ee ka dhalatay daadadka ku fatahay Magaalada qardho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku wax yeelowday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*