27th November 2022  admin  Category :

Madaxweyne Famaajo oo amaray in ilaalada laga reebo madaxdii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu sii daayo

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa soo saaray amaro quseeya ciidamada aan sida tooska uga howlgalin xarumaha ciidamada.

Qoraal ka soo baxay 14kii bishan xafiiska taliyaha xoogga dalka ayaa lagu amray dhammaan taliyaasha xarumaha,qeybaha,dugsiyada tababarka inay dib u soo xereeyaan askarta howlaha kale qabta oo loo yaqaan Shaqo leexsan.

Taliyaha ayaa ku xusay qoraalkan inuu tallaabo ka qaadi doono ciidamada aan dib ugu soo laaban xeryahooda.

Waxaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay in la amarkan uu quseeyo madaxdii hore ee dalka soo martay iyo weliba siyaasiyiinta mucaaradka ah eel eh ilaalo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Halkan hoose ka aqriso amarka taliyaha ciidamada xoogga dalka;

Dadka uu go’aankaan saameyn doono oo dhamaantood xilal sare ka soo qabtay dalka waxaana masuuliyiintaasi kamid ah.

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
  2. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ka maqan dalka kuna sugan Turkiga.
  3. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xilka iska casilay sanadkii 2018, kadib khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo Xukuumadda.
  4. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ku sugan Muqdisho saaxiib dhowna la ah madaxda talada heysa.
  5. Dhamaan taliyaashii hore ee ciidamada Xoogga iyo kuwa booliska ee ku sugan dalka, waxaana kamid ah Gen. Indha-qarshe, Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka General Gacma-duule, General Qaafow, General Gorod, General Caanood, General Buud, General Gorod iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*