26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha ee magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Abdel Fattah El Sisi.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda kulan yeeshaan isla markaana ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dowladood, gobolka iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan ee  Afrika

Booqashadii ugu horeysay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku tago dalka Masar tan iyo markii madaxweynaha jamhuuriyadda loo doortay 8 Fibraayo ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa wefdigiisa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*