28th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane G. Meskel ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu marti qaad u fidiyey dhiggiisa Eritrea Isias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa boggiisa Twitter-ka ku Qoray sidan:-

“Waftiga Eritrea waxa ay soo gunaanadeen booqasho guul ah oo ay saddex maalmood  ku joogeen Soomaliya. Waxa ay la kulmeen madaxweynaha, Raisul Wasaaraha, afhayeenka barlamaanka, wasiirka arimaha dibadda iyo saraakiil kale. Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku martiqaaday xaflad dhaqan oo lagu weyneeyay wafdiga. Waxa ay booqdeen xeebta Muqdisho. Madaxweyne Maxamed “Farmaajo” ayaa casumaad u fidiyey Madaxweyne Isias.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*