18th November 2024 admin Category :
Farmaajo Oo Berri Hortagaya Xildhibaanadii Mudda Kordhinta U Sameeyay
Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farnaajo ayaa la filaya in berri uu hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibanaada ayaa caawa loo diray fariin ku aadan in ay soo xaadoraan kulanka oo Ajendahiisu yahay Khudbad uu Farmaajo Xildhibaanada Waqtigooda dastuuriga ah dhamaaday U jeedinayo.
Fariinta xildhibaanada loo diray ayaa u dhigneyd sidan : M.ne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 1da MAY, waxaa jira Kulan Gaar ah.
Agendaha
1. Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS
Saacadu waa 09:00 subaxnimo”.
Farmaajo ayaa la filaya berri in uu xildhibaanada kala hadlo arrimaha doorashooyinka , kadib Cadaadis uga yimid Xubnaha Musharixiinta iyo Saamileyda siyaadadda Soomaaliya, Sigoo Xildhibaanada la wadaagi doona in uu dib ugu noqonayo Heshiiskii doorasho ee 17 September .
Beri oo Sabti ah oo ay Tar 1da MAY 2021-ka
— Hon.Khadija M Diriye (@hon_khadija) April 30, 2021
waxaa jira Kulan Gaar ah INSHAA ALLAAHU
Agendaha:-
1.Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS ?????@MoHADM_Minister@M_Farmaajo @TheVillaSomalia @Golaha_shac_JFS pic.twitter.com/oDrXz0eSH5