26th April 2024  admin  Category :

Ma Dameer dhaan raacbaa mis dan Soomaaliyeed ayaa ku jirta  booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tegayo Eretrea oo iyadu  dhowr iyo tobon  sano cunaqabatayn ku jirtay, xuduudna aan la lahayn  Soomaaliya. Maalmo ka hor ayeey ahayd markii  Raysal wasaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed uu  booqasho Taariikhi ku tagay magaalada Casmara ee casimadda Eritrea.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya   Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu Berri booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.

 

Mudane; Geelle oo la hadlay war-baahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Madaxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*