26th July 2024  admin  Category :

Saldhigyaddii Soomaaliya qaar inta Dayactir lagu sameeyey oo ciidankii joogay la hubeeyey, mushahaar joogta ah loo qoray ayaa maanta Ubaxyo la dhigayaa, halka qaar ay dayacan yihiin, burbureen, askartii joogtayna ay yihiin Bilaa mushahaar .

Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag , waxay ka mid tahay degmooyinka Soomaaliya ee degaanada hoos taga qaar ka mid ah ay ku sugan yihiin Alshbaabka, bulshada Caalamkuna ay ku bixiyaan Mal aayiinka doolar si Argagixisada looga cirib tiri lahaa guud ahaan Soomaaliya, iyadoo degaan kala sooc lagu samamaynayn.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu diiday inuu garab ku siiyo maamulka Puntland sidii alshabaabka looga sifayn lahaa Buuraha Calmadow, sabab wuxuu ka dhigtay inaanu ka caraysiinayn Maamulka SNM ee doonaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan

Sadex sano oo Soomaaliya madaxweyne Farmaajo hogaamiye ka ahaa hoos ka daawo saldhiga degmada Laasqoray oo la rabay in alshabaabka la soo qabto lagu xiro. Maanta Farmaajo oo lix bilood u harsan tahay ayaa qaar ka mid ah wax magaratada iyo maangaabka gobolka wuxuu ka dhaadhiciyey inuu maamul u samaynayo isaga oo fariinta u soo mariyey Danayste Siyaasadeed

Muuqaalka hoose waa marwada madaxweyne Farmaajo oo Ubaxyo dhigaysa Taalooyin ay horay u dayac tireen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*