26th July 2024  admin  Category :

Daawo : Fadumo Dayib Oo Shaacisay Inay Takoor Uga Tagtay Shaqadii QM Ee Somalia

Faaduma Dayib oo horey musharax madaxweyne uga soo noqotay Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay uga tagtay shaqadii ay u haysay QM cunurinimo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed.
Faadumo Dayib, oo haysata dhalashada dalka Finland, ayaa ahayd agaasimaha QM ee Soomaaliya ka hor intii aysan xilkaas ka tegin bishii tagtay, sida ay ku shaacisay qoraalka ay twitter soo dhiugtay toddabadii bishan.
Faaduma ayaa sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan QM ay u sheegeen in qof Soomaali ah uusan u qalmin inuu dalka Soomaaliya ka qabto xil la mid ah kii ay ayada haysay, hadalkaas oo ay sheegtay in muddo badan ay dhagaheeda lagu dhibcinayey.
“Waxay ii sheegeen in sababta kaliya ee shaqada noocan ah la iigu ogolaaday ay tahay inaan ahay Soomaali haysta dhalashada mid ka mid ah dalalka reer Galbeedka, ee aan xilkan qaban lahayn haddii aan haysan” ayay ku tiri qoraalka ay soo dhigtay twitter.
Waxa ay si gaar ah u eedeyey isu-duwaha gargaarka bani aadannimo ee QM ee Soomaaliya Peter de Clerq, oo ay ku sheegtay inuu yahay nin liida oo neceb asalka Soomaaliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*