27th July 2024  admin  Category :

Amb. Faduma Abdullahi Insaaniye SOOMAALIDA SWITZERLAND MA ILOOBI DOONAAN WANAAGAAGA.

“Waa ognahay in xilka uu yahay meerto hase yeeshee Reer Switzerland waxaa ku weynaa oo ay jeclaayeen in aad la joogto balse taasi ma noqon oo waxaa noo diidey nasiibka”. Sidaa waxaa yiri Jaaliyada Somaaliyeed ee Dalka Switzerland oo aad uga xumaadey bedelka ku yimid Danjirahoodii Faduma Insaaniye.

Waxay sheegeen in aysan iloobi doonin waxqabadkii Danjire Faduma Insaaniye maadaama mudadii safiirka ay ahayd ay hagaajisey xiriirka laba geesoodka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Switzerland, xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland iyo xiriirka hayadaha Qaramada Midoobey iyo dalkeena. Danjire Faduma Insaaniye waxuu dadaalkeeda usoo hooyey Soomaaliya in ee marki ugu horeysey ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Ururka Ganacsiga Aduunka oo aan ka noqoney “observer” kuna socona inaan noqa xubin joogto ah. Waxeey kaloo xiriir toos ah ugu sameysey dalkeena Ururada Caalamiga ah oo xaruntooda ku taala Geneva.

Mustaf Bashiir Goobdoon oo ku hadlaya magaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa u mahad celiyey Danjire Faduma Insaaniye oo uu sheegey in aysan marnaba iloobi doonin waayo waxaa uu sheegey in ay ahayd Danjirihii ugu fiicnaa ee soo mara bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland isagoo sheegey in ay muujisey in si joogto ah uga warqabto dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Ugu dambeyn, Mudane Mustaf waxuu ugu hambaleeyey magacaabista xilka Danjirenimo ee dalka Hindia isagoo Ilaah uga baryey in uu la garab galo xilkaas uguna rajeeyey in sidii ay ugu adeegtey reer Switzerland in ay ugu adeegto Jaaliyada Soomaaliya ee dalka Hindia.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*