7th May 2024  admin  Category :

Faahfaahinta weerarkii ka dhacay Australia iyo ninkii ka dambeeyay

agaalada Sydney, nin toorrey ku hubaysan ayaa dilay shan qof tiro kalana dhaawacay goob mashquul badan oo laga dukaamaysto halkaas oo ka dhashay jaahwareer iyo kala carar sida ay goob joogayaal sharaxeen.

“Waxay ahayd waalli,” ayay tiri haweeney arxagagasan ka muuqday, markii ay sharraxaysay inay aragtay haweeney dhaawac ah oo dhulka jiifta.

Dad badan ayaa la arkayay iyagoo ka cararaya xarunta ganacsiga ee Westfield ee Bondi ee bariga magaalada iyadoo daraasiin baabuurta gurmadka ah ay ka jawaabeen shilka.

Booliska ayaa sheegay in markii danbe ciidanku ay toogteen qofka weerarka gaystay. Goob-jooge kale ayaa sheegay inuu maqlay “dadka oo qaylinaya oo ordaya”.

Waxa uu sheegay in uu raacay haweenay booliis ah ka hor inta uusan arkin nin ku soo socda oo ku hubaysan midni daab weyn.

“Wuxuu bilaabay in uu xaggeena soo aado, waxa aan maqlayna waxa ay ahayd ‘dhig’ ka dibna way toogtay, haddii aysan si fiican u toogan wuu sii socon lahaa, wuuna sii wadi lahaa laynta dadka.”

WEERARKA

Goobjooge kale ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay arkeen qof jiifa oo dhaawac ah, isla markaana ay eegayeen waxa jira.

“Waxay ku furtay rasaas, qofkaasna hadda waa dhintay, waxaa la ii sheegay inay jiraan shan dhibanayaal ah oo hadda u dhintay falka dembiilaha,” Kaaliyaha taliyaha booliiska New South Wales Anthony Cooke ayaa shir jaraa’id ku bixiyey faahfaafintaas.

Siddeed qof, oo uu ku jiro ilmo, ayaa la geeyay isbitaalka, ayuu yiri afhayeenka New South Wales Ambulance.

Boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay xarunta ganacsiga ka dib dhacdada, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Australia Antony Albanese, oo shir jaraa’id qabtay isagoo weheliyo taliayah booliska ayaa sheegay in weerarkani uu saameeyey qofkasta oo Aus

“Nasiib darro, dhaawacyo badan ayaa la soo sheegay, fikradaha ugu horreeya ee dhammaan dadka Australiyaanka ah waxay la jiraan kuwa ay saameeyeen iyo kuwa ay jecel yihiin,” ayuu ku qoray X. oo hore loo oran jiray Twiter.

“Qalbigayagu wuxuu la socdaa kuwa dhaawacmay, waxaana u mahadcelinaynaa kuwa daryeelaya iyo sidoo kale booliiska geesiyaasha ah iyo kuwa ugu horreeya ee u jawaabay.”ayuu qoraal ku yiri Ra’iisul wasaaraha Australia.

Askariyaddii toogatay ninka weerarka geystay oo halyeeyad lagu tilmaamay

weerarka

Ra’iisul wasaare Albanese, ayaa geesiyad ugu yeeray askarigadii toogatay ninkii dadka badan ku dilay mindi xilli dadku dukaamaysanayeen

“Hore waxaan uga hadlay geesinimada halkan lagu soo bandhigay, geesinimada askariga.. waxay soo gashay dacwadii meesha ka socotay, iyadoo ay iska caddahay inay nafteeda halis u tahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo u qiray askariga lagu tiriyo hub ka dhigistii looga shakiyay weerarka.

“Xaqiiqdii waa geesiyad. Shaki kuma jiro in ay naf ku badbaadisay ficilkeeda,”ayuu yiri Albanese.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa ka sheekeeyay sida uu askariga ugu cararay ninkaasi, isagoo u sheegay inuu iska dhigo tooreyda, ka hor inta uusan hal mar xabadka kaga dhufanin.

Westfield Mall waa xarun ganacsi oo weyn oo ku taalla bariga xarunta ganacsiga ee Sydney waxayna u dhowdahay xeebta caanka ah ee Bondi.

Mowduucyada la xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*