26th April 2024  admin  Category :

Eritrea oo qiratay in ciidankeedu ka qeybgaleen dagaalka G. Tigray

Dowladda Eritrea ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia laakin waxa ay wacad ku martay in ay la soo bixi doonto xilli uu sii kordhayo cadaadis caalami ah.

Qiraalka cad oo ah kii ugu horreeyay ee kaalinta Eritrea ee dagaalka ayaa lagu sheegay warqad uu daabacay habeennimadii Jimcaha wasiirka warfaafinta ee dalkaas, oo ay qortay safiirka Eritrea u fadhisa xarunta Qaramada Midoobay una dirtay Golaha Amniga.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa bishii November ciidamo u diray gobolka Tigray si ay hubka uga dhigaan una xiraan hogaamiyaasha xisbi siyaasadeedkii gobolka maamuli jiray ee TPLF.

Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah waxa ay beeninayeen in Eritrea ay ku lug lahayd dagaalkaasi, taas oo ka soo horjeeda marag-furka ka imanaya dadka deegaanka, ururada xuquuqda, shaqaalaha gargaarka, diblomaasiyiinta iyo xittaa qaar ka mid ah saraakiisha rayidka ah iyo militariga ee Ethiopia.

Abiy ayaa ugu dambeyntii waxa uu bishii March qiray joogitaanka Eretria mar uu la hadlayay xildhibaannada, wuxuuna ballan qaaday in ay ay ka bixin doonaan.

Waraaqda Jimcihii ka timid Eretria ayaa lagu sheegay in iyadoo kooxda TPLF “si weyn loo fashiliyay”, Asmara iyo Addis Ababa “ay ku heshiiyeen in ay la bilaabo bixitaanka ciidamada Eritrea iyo in ciidamada Ethiopia lagu daadgureeyo xuduudda caalamiga ah.”

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa Khamiistii u sheegay Golaha Ammaanka in inkastoo Aby uu sameeyay ballanqaad, haddana aysan jirin wax caddeynaya in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan gobolka.

Wuxuu kaloo sheegay in shaqaalaha gargaarka ay soo warinayaan xadgudubyo cusub oo ay sheegeen in ay geysanayaan Ciidamada Difaaca Eritrea.

Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa bartiisa Twitter-ka Sabtida maanta ah ku qoray in Asmara ay u yeertay isku-duwaha QM ee Eritrea iyo madaxa xafiiska isku dubarridka gargaarka bani’aadamnimo ee QM ee dalkaasi si ay uga ashtakooto “dhaqammada qaldan iyo warbixinnada been abuurka ah.”

Dadka deegaanka Tigray ayaa dhowr jeer oo hore Eriteriyaanka ku eedeeyay kufsi wadareed iyo xasuuq, oo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin magaalooyinka Axum iyo Dengolat.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*