16th September 2024  admin  Category :

Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Oo La Kulmay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Ee Norway

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada Oslo kulan kula yeeshay madaxa hay’adda qaxootiga ee dalka Norway.

Xoghaya Guud ee hay’adda Norwegian refugee council Jan Egeland iyo Ergeyga ayaa ka wada Hadley xaaladda abaarta ee Soomaaliya, iyaga oo isla soo qaaday waxa u qabsoomay labada dhinac ka gadaal kulankoodii Muqdisho ee bishii Juun.

Kulanka oo sidoo kale ay Goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda Wasaaradda arrimaha dibedda ayuu Ergeygu Hay’adda iyo Dowladda Noorweyba uga codsaday kor u qaadista kaalmada Dhaqaale ee Soomaaliya iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada u qareemidda arrinka abaaraha iyo horumarinta Soomaaliya.

Jan Egeland oo horay usoo qabtey xilalka Wasiirka arrimaha debadda Norway iyo madaxa gargaarka bani’aadamka ee Qaramada Midoobay ayaa ballan qaadey in ay dowlad ahaan dedaal ku bixin doonaan kaalmeynta iyo u qareemidda gurmadka Abaaraha Soomaaliya 

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*