28th March 2024  admin  Category :

Duqa magaalada Boosaaso oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Puntland

uqa magalaada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa shegay in xaalada magaaladu degantahay, isla markaana ay dhinaca mamaulka Puntland ku soo biireen ciidamo u qaatay amarka dawalada oo ka mid ah PSF.

Waxa uu sidoo kale farriin u diray goobo waxbarasho oo la xiray iyo xaafado laga barakacay kadib dhaq dhaqaaq ciidan oo ay shacabku dareemeen kaasoo salka ku haya xilka qaadista Agaasimaha Hay’ada PSF oo ay sarkiisha hay’addiisa warbaahinta ka sheegeen in aysan u hogaansameeyn, halaka maamulkuna uu ku adkaystay in uu si toos ah u hawlgalo Agaasimaha Cusub ee uu madaxwaynaha Puntaland 24-kii bishan u magaacabay PSF.

Wariyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa Duqa degmada Boosaaso uga waramay ujeedad shirkiisa Jaraa’id.

https://www.voasomali.com/a/6330916.html

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*