26th April 2024  admin  Category :

Duqa Cusub ee Degmada Bosaso Cabsalaan Bashiir Cabdisalaan  ayaa maanta xilka kala wareegay Duqii hore Degmada Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud ka dib munasabad ka dhacday Xarunta guriga gobalka Bari,looga Arimiyo.

Munasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka gobolka Bari, iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Duqii hore ee Degmada Bosaso Injineer Yaasiin  Mire Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inta uu xilka hayey in uu qabtay wax badan, isla markaana u la shaqeyn doono Maamulka cusub ee la soo Magacaabay.

Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa sheegay in ay sharaf u tahay in uu la wareego xilkan, isla markaana howshii halkeedii ka sii wadi doono.

IMG_1600
IMG_1581

IMG_1538

IMG_1609

IMG_1532

IMG_1581

IMG_1561

IMG_1624

IMG_1544

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*