11th October 2024 admin Category :
Dowladda UK Oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Aqoonsiga Somaliland
Dowladda UK ayaa war kasoo saartay halka mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Isaaqland , xilli uu baarlamaanka dalkaas maanta billaabay dood ku saabsan aqoonsiga in beesha Isaaq yeeshaan dal ay gaar u leeyihiin
Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Victoria Grace Ford, ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira darajada Somaliland.
“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tiri qoraalkeeda.
Wasiirka Arrimaha dibbada Soomaaliya CabdiSaciid Muuse ayaa maanta qadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin midnimada dalka Soomaaliya.