26th April 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya Oo Kalluunkeeda Ku Badalaneysa Qaadka Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa dhiggeeda Itoobaya maanta la saxiixatay heshiis ah Is-dhaafsiga Qaadka Itoobiya iyo Kalluunka Dalka .

Munaasibadda Heshiiskaan oo ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho iyo kuwa ka socda dowladda Soomaaliya.

Heshiiska rasmiga ah ee ganacsiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa horseeday in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale.

Maanta ayaa sidoo kale Waxaa Itoobiya loo daabulay 20,000 oo shixnad kalluun ah kuwaas oo ay qaadday diyaaradaha dalka keena Jaadka Itoobiya.

Itoobiya ayaana hadda kadib soomaaliya u soo dhoofin doonto Jaadka dalkeda ka baxo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*