7th September 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo iska kaashanayo Mashruuc lagu horumarinayo wax soo saarka dalka

Mashruucan maalgalinta ah waxaa iska kaashanayo Baanka Aduunka, Hay’adda Garaara iyo dowladda Soomaaliya, qiimihiisana uu gaarayo 7.9 Milyan ayaa hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed in ay yeeshan in door wanaagsan ka qaadan karaan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxuuna mashruuca kor u qaadayaa Beeralaha, -Xoolaha, Kaluumeysiga, Tamarta iyo ganacsiga yar-yar.

Saddex Bankiga oo ka mid ah kuwa ka howl-gala magaalada Muqdisho ayaa heshiiskan xalay ay la geshay hay’adda Garaara kuwaas oo kala ah, My bank, Som-Bank iyo Daryeel bank.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhankiisa hoosa ka xariiqay in waddanka fursado tan ka ballaaran ay wadada kusoo jiraan tasoo ahmiyadda siinayso horumarka ganacsatadeena ay gaaarayaan iyo xaalada amniga dalka oo mid wanaagsan waqtiyan noqanayso.

Saddexda Bangi ee heshiiskan galay ayaa dhankooda soo dhaweeynay mashruuca waxeyna ballan qaadeen in ay kaalin wayn ka qaadan doonan ilaalinta habraaca loo dajiyay maal-galinta dowladda iyo Baanka Aduunka.

Hay’adda Garaara oo isku xirta hay’addaha maaliyadda dowladda iyo Aduunka ayaa ilaa hada 10 baank maalgalin awooodad kor loogu qaadayo la gashay, tasoo wax wayn ka badali doonto aqoonta iyo adeega ay bixinayaan bankiyadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*