26th April 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya ayaa Gelinkii dambe ee maanta Guddoontay Shixnad Daawada Talaalka Covid-19 oo ka timid Dowladda Shiinaha.

Munaasabadda wareejinta daawad a talaalka oo ka kooban Shan boqol oo kun oo dose kadib munaasabad wareejinta deeqdan oo ka dhacday Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Faarax  iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya FEI Shengchao

Deeqdaan daawada COVID-19 ee ay dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay dowladda Shiinaha ayaa waxay imaaneesaa xili uu wali dunida uu dhibaato ku hayo xanuunka laba jirsaday ee COVID-19 waxaana uga mahadcelisay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur garab istaaga ay dowladda Shiinaha u muujisay dadka Soomaaliyeed ee uu saameeyay xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*