29th March 2024  admin  Category :

Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Puntland C/fitaax Nuur Axmed (Ashkir) ayaa shir Saxaafadeed uu maanta ku qabtay Garoowe, wuxuu ku sheegay in dowladda Puntland ayan qayb ka ahayn Xeerka Isgaarsiinta federaalka ee laga ansixiyay golaha Wasiirada Federaalka maalintii khamiista ahayd Ee la soo dhaafay bishuna ahayd 21-kii bishaan socota.

Wasiiru dowluhu Wuxuu sheegay in loo baahnaa ka hor intaan la ansixin xeerka in lagala tashado dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana uu ku tilmaamay talaabadaasi mid baal-marsan Dastuurka iyo Dowlad nimada Soomaaliyeed,

” sida ku cad Distuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka,Jinsiyadda,Xiriirka dibadda,wixii intaa ka soo hara sida Dastuurka Federaalka ahba uu qeexayo, way u madax bannaanyihiin dowlad goboleedyadu in ay aayahooda ka tashadaan,Xeerkaana waa mid loo baahnaa in Puntland laga war-galiyo” ayuu yiri Wasiiru Dowluhu.

Wuxuu Wasiir Ashkir sidoo kale sheegay in ay Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ay ku hawlanayd talo ka bixinta Xeerkaan, khuburo Wasaaradda ka tirsanna u saartay turxaan-bixinta Xeerkaan qodobbo Muhiim Ahna ay soo tilmaameen in wax laga baddalo.

Waxaa uu yiri Wasiirku ” Wasaaradda Isgaarsiinta Federaalka way ku deg degtay in Xeerkaan ay hor-gayso golaha Wasiirada Federaalka,waxaana habboonayd in dib la iskugu soo laabto si qolo weliba fikirkeeda ku aadan Xeerkaan ay u soo ban-dhigto” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

” Puntland ma ogola Xeerkaan,mana Aqbali doonto in loo meeriyo Xeerar si gaar ah loo qortay”.

Wasiiru dowluhu wuxuu gabagabadii faahfaahiyay sida ugu wanaagsan oo Xeerka isgaarsiinayd loo Meel-marin karo, waxaana uu ku booriyay dowladda federaalka in taladu ahaato mid si wadar ah loo qaato,Ee aan koox gaar ah isku koobin ka talinta aayaha iyo Mustaqbalka dadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*