26th July 2024  admin  Category :

faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Horgoogaha Maleeshiyada Al-Shabaab ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kaasi oo ahaa ninka Ugu sareeya Argagixisada ee Qaabilsanaa dhibaataynta Shacabka ku nool Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in horjoogahaan lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed Ciise Tarabuun isla markaana uu ahaa ninka Al-Shabaab ugu xilsaaran weerada iyo Qaraxyada ka dhaca magaalada.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ciidamada Ammaanka ay ka qabteen Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Maxamed Abuukar Islow ayaa tilmaamay ciidamada Ammaanka inay haayaan shaqo fiican oo maalin kasta ay sidaan u dabajoogaan dhagarqabayaasha ku dhuumaalaysanaya caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed wasiirka inay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka sidoo kalana ay u dulqaataan wadooyinka Jidcadayaasha ah oo ay haatan xireen ciidamada ammaanka oo uu sheegay in looga goleeyay Sugida amaanka magaalada in gacanta lagu dhigo Argagixisada doonaysa inay laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*