26th July 2024  admin  Category :

Maqaal:- Dowladd cusub kama hor dhici karno, xuma iyo sama toona

Waxaa jira dad badan oo soomaaliyeed oo aan ka qeyb qaadanin damaashaadki lagu soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo, mana aha dad mucaarad ku ah Farmaajo amaba dowladnimada Soomaaliya.
Waxay u soo dhaweeyeen si taxadar leh, waxayna ka warsugayaan tallaabooyinka uu qaado madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa cusub, sababtoo ah horaa loogu hongoobay dowlad loo hanweynaa.
, hase ahaatee hadana marka la fiiriyo nuxurka khudbadi uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay munaasabadii caleemosaarka ee uu ku cadeeyay mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan dal iyo dibad iyo weliba magacaabista raiisulwasaaraha da’da yar, aqoon yahanka ah, ee ku soo barbaaray dalka Norway oo ah dal caan ku ah dowlad wanaag, arimahaas waxay muujinayaan ifafaalo wanaagsan iyo in Soomaaliya cagta saartay dhabihii nabadda iyo dowladnimada.
Waxyaabaha dhiiri gelinta leh ee muujinaya isbedelka ka soo muuqda dowlad cusub waxaa ka mid ah qaabka loogu dhawaaqay raiisul wasaaraha, waxaana muuqata in madaxweynaha marka hore naftiisa ku kalsoon yahay, uuna adeegsaday awoodiisa sharciga ah, halka madaxdi ka horeysay waqti badan ku lumin jirtay la tashiga Suldaan Beyle, Xassan Xaad iyo wax la mid ah.
Isku soo xoori, sanadihii ugu dambeeyay Somalia waxaa soo daashaday dowlado magac u yaal ah oo aan u qalmin in magac dowladeed lagu sheego. Waxaa ugu dambeysay dowladi Xassan Sheekh oo la dhihi karo waa tii ugu liidatay.
Hadda waxaan aragnaa bilow wanaagsan, waxayna mudan tahay in la garab istaago.
Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*