16th April 2024  admin  Category :

Beesha Caalamka oo Farmaajo u yeerisay 11 qodob oo loo marayo Doorashada 2020/2021

Beesha Caalamka ayaa soo saartay qodobo la xiriira doorashada lagu wado in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo 2020/2021 iyadoo loogu baaqay dowlada in aan la aqbali doonin, muddo kordhin isla markaana doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah.

Qoraal ka soo baxay wadamada Beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa qodobadii ay soo saareen waxaa ka mid ah

1- In la tixgeliyo dastuurka.

2- In la xaqiijiyo doorashada federalka lagu qabto waqtigii loo qorsheeyay oo ah dhamaadka 2020ka ama bilowga 2021da,iyadoo aysan jiri doonin wax muddo kordhin ah ha noqoto Fulinta ama Sharci dejinta”Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka”.

3- In la xaqiijiyo in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay helaan wakiilo.

4- In dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay awood u helaan inay si toos ah u soo doortaan wakiiladooda iyadoo doorashaduna noqonayso “qof iyo cod”.

5- In door ku yeeshaan xisbiyada siyaasada doorashooyinka.

6-In la damaanad qaado ugu yaraan boqolkiiba soddon wakiilo u taagan haweenka.

7-In la suurtogeliyo in dhammaan laga qeybgalo sida dadka gudaha ku barakacay.”IDPS”.

8- Dhammaan dhinacyada siyaasada ay wada taageeraan kana qeyb ahaadaan.

9-In la awoodo suurtogelinta hufnaan iyo ammaanba, si loo soo jiito dhaqaale ku filan.

10- Natiijada soo baxda ay noqotaa mid lagu doorto  hogaamiyeyaal sharciyad haystaa.

11 – Oo Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*