17th July 2024  admin  Category :

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo go’aan ka soo saartay Liyuu Booliska

Golaha wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo oo qaybta ka ah qaab dhismeedka amniga qaranka dalkaas.

Shirka 12-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada deegaanka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan sida la isu waafajinayo qaab dhismeedka amniga qaranka iyo tan dowlad deegaannada.

Deegaanka Soomaalida ayaana sidaa uga mid noqday dowlad deegaannada ansixiyey qaab dhismeedka la doonayo in ciidamada Liyuu Booliska oo kuwa Soomaalida ay ka mid yihiin loo sameeyo.

Warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska nabadgalyada DDS waxaa lagu sheegay, ‘dib- u-habeynta ciidanka lagu sameynayo iney ahayn mid baabi’inaysa ama meesha ka saaraysa cududdii jirtay balse ay tahay mid wax ka baddalaysa qaab-dhismeedka, ciidamaddi jirayna ay sii jirayaan iyagoo wax is baddal ah uuna ku imanayn mushaharkooda, tasiilaadka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga ee ka saaran deegaanka.

Dib-u-habeenytani maaha mid xidhiidh la leh xuquuqaha dastuuriga ah ee ismaamulka deegaannada maaddaama marka dib loo habeeyana ay wali sii hoos tagayaan deegaankii awal maamuli jiray.

General Abebaw.

Qorshahan siduu ku yimid?

Ku xigeenka abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya janaraal Ababaw Taddese oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay ciidamada ‘Liyuu Boolis’ la yirahdo uu dastuurka dalka aqoonsaneen taasoo ciidankaasi sharci darro ka dhigeyso.

“Dastuurka dalka Itoobiya ma aqoonsana wax la yiraahdo boolis gaar ah oo dastuurka wuxuu aqoonsan yahay oo deegannaduna ay yeelan karaan booliska caadiga ah. Ciidamada sharciga ah uu dastuurka aqoonsan yahay waa ciidamada qalabka sida, booliska federaalka iyo booliska caadiga ah,” ayuu yiri.

Qaab dhismeedkan cusub ee booliska gaarka ah ee deegaannada waxaa looga baahday hay’adaha amniga dalka in la mideeyo hal u jeeddana ay yeeshaan.

“Hadda ciidamada booliska gaarka ah ee dalka ka jira waxay leeyihiin 14 direes oo kala nooc ah oo ay adag tahay in la kala saaro, ciidamada qalabka sida xataa kala saariddooda wey ku adkaatay hadda kaddib waxaasi ma jirayaan oo waxaa jiri doona ciidan mideysan iyo direes ciidan oo seddexdi ciidan ee sharciga ahaa aan dhaafsaneen.” ayuu yiri General Abebaw.

Qaab dhismeedkana wuxuu meesha ka saarayaa ciidamada u sameysan qaab qabiil oo u taagan meel marinta danta qabiilka ama qowmiyad gaar ah ay leedahay.

“Tusaala ahaan shacabka Oromada ayaan u dhimanayaa ayaa lagu dhaarinaya Liyuu Booliska Oromada, qowmiyadda Amxaarada waxba kama gelin, ciidamada deegaannada kalana waa la mid taasoo aad u wiiqeysa wada noolaashaha shucuubta dalka,” ayuu yiri abaanduule ku xigeenka

Janaraalku wuxuu sheegay in arrimahan oo dhan loo sameynayo iney tahay dalka in la badbaadiyo si siyaasiyiinta xilalka haya marka ay u baahdaan turub labaad oo ay ciyaaraan oo ah ciidamada qabiil oo hubyesan ay la soo baxaan.

“Liyuu Booliska deegaannada ee hadda jira waxaa loo bandhigaya iney ciidamada qalabka sida ku biiraan, iney federaal boolis ku biiraan iyo iney booliska caadiga ah ay ku biiraan iayada oo aan la qasbeyn oo la dooran siinayo xuquuqaha ay leeyihiinna ay helayaan.”

Liyuu Boolis qalin jabinaya

Liyuu booliska deegaannada haddii la kala diro maxaa ka sababay?

Ciidankii ugu horreeyey oo Liyuu Boolis oo deegaan ka mid ah dalka Itoobiya uu yeesho waxaa ugu horreeyey Deeganka Soomaalida oo ciidankaasi aasaasay 2007-dii.

Maxamed Xirsi oo ah khabiir wax ka qora siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in ciidamada la kala diro ay uga wacan tahay dowladda dhexe oo sida uu sheegay u aragtay iney ciidamadaasi khatar ku yihiin.

“Ciidamadan waagii hore ciidamada iyo sirdoonka dowladda dhexe ayaa gacanta ku hayey laakiin muddooyinki u dambeeyey wey ka fogaadeen taliskii dhexe waxay u muuqataa dowladdii dhexe ay dareentay ciidankan dowladdii dhexe ee Itoobiya laftirkeeda ay khatar ku yihiin ciidamadaasina ay xoojinayaa awooddi degaannada, taasina waxaa tusaala cad u ah dagaalkii Tigreega ka dhacay ee labada sano socday ciidanki u dagallamayey badankoodna ay ahaayeen ciidan Liyuu Boolis ah oo dowladda dhexe ay tababaratay markii dambana dowladda dhexe ee Itoobiya dagaalka la galay,” ayuu yiri Maxamed Xirsi.

“Arrinta kale ee keentay khatarta ciidamadaan waxaa ka mid ah iney booliskan gaarka ah dagaallo goboleed ka qayb qaateen oo ay dagaallo uga qayb galeen Soomaaliya ama Soomaaliland oo lagu eedeeyo iney gabood fallo iyo tacaddiyo ay deegaannadaasi ka geystaan…kuwa Soomaalida ha ahaadaan ama kuwa Amxaarada iyo kuwa deegannada kale intaba,” ayuu yiri Maxamed Xirsi oo ah khabiir wax ka qora siyaasadda Geeska Afrika oo BBC u warramay.

Liyuu Booliska ayaa ah ciidan u tababaran sida militariga oo markoodii hore loo aasaasay la dagaallanka jabhadaha deegaankaasi ka dagaallamayey, oo ay ka mid ahaayeen ONLF iyo Al-Itixaad.

Waxay ku hubeysan yihiin hub isugu jira kuwa fudud iyo noocyada gawaarida lagu rakibo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*