26th March 2024  admin  Category :

Doorasho qof iyo cod ah oo ka dhaceysa Puntland

Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horaysay qabanaya doorasho qof iyo cod ah oo dadweynaheedu ku dooranayaan xubnaha golaha deegaanka ee matalaya, waxaana doorashadan hordhaca ay u tahay hirgelinta nidaamka axsaabta badan.

Saddexda degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa loo doortay in lagu qabto doorashadan. Doorashaduna waxay ka dhacaysaa 54 xarumood, tirada dadweynaha ee la diiwaangeliyey codeynta inay ka qay-qaataana waa ku dhow 40-kun oo qof. Musharrixiin dhan 449 ayaa ku tartamaya 87-kursi oo ah golaha deegaanka ee degmooyinkaas.

Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka Puntlan Guuleed Saalax Barre oo ku sugan magaalada Qardho ayaa weriyaha VOA Faadumo Yaasiin uga waramay diyaargarowga doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*