26th July 2024  admin  Category :

Doorashadii Map iyo Qalinkii weriye Maxamed Axmed Ciise
Weriyaasha Puntlnd oo aan odhan karo waxay soo halgameen Xili burbur iyo xoriyad daro badan ay ka jirto guud ahaan dalka somaliya ,Iyagoo aan cidna ka helin tageero horumarineed iyo mid waxbarasho toona.

Doorashadan oo ahayd shirweynihii 3aad ee ay ku doortaan Maamulka Ururka Waxay toosh iftiin badan ku ifisay in Dimuqraadiyada iyo bisayka dhalinyarada reer Puntlnd, oo ay tusaale u noqon karto heyikaca iyo hiigsiga Dimuqraadiyada Puntlnd iyo Somaliyaba,Ururka ee dhidibada loo taagey Sanadii 2008dii ayaa fikirkiisu ka soo maaxday suxufiyiin Indheergarada oo go’aansaday Inay si cad uga dhabayaan Yoolkooda iyo mowqifka dhabta ah Ee ay ka damacsanyihiin horumarka Warbaahinta Gobolka oo ah mid curdin welina aan qaan gaadhin balse Iminka aynu Odhankarno Waa Hana qaad aan weli si buuxda loo gardaadin.

Waxaan goob joog usoo ahaa doorashadii dhexe Ee Ururka MAP oo kadhacday Magaalada isla Magaaladan GAarowe  3 Sano ka hor,Waxay ahayd mid ka saxmad iyo gurdanraac yar tan Maanta dhacday oo ahayd mid laga dheehankarayey isbedel samaynle iyo kobaca koritaanka ay samaysay warbaahintu, Ma jirin dhaliilo iyo wax kala tabasho jawigeeduna wuxuu ahaa mid la saanqaadaysa sidii rati hayina oo kabaxay Laylinimadii,Waxaa si qota dheer looga xaajoonayey Masuuliyada guud ee dalka iyo dadka oo ay saxaafadu door muhiima ku leedahay,Iyadoo ay taasi dhabada U xaadhayso Guud ahaan horumarka dalka oo ay tahay masuuliyada 1Aad Ee waxbedelikarta.

MAAMULADII HORE EE URURKA IYO KAALINTOODA.

Wuxuu Urrurku soo Maray marxalado kala duwan Mudadii ay Hogaanka Hayeen Masuuliyiintii Hore,Waxaana lugu Amaanikaraa Hogaankii u horeyey Ee FAYSAL JAMAC ADAN Iyo BURHAAN AXMED DAAHIR Heerka Maanta Wax marayaan oo ay kaalin mugle ka qateen xili aysan meelna Awood ku lahayn oo ay tacab iyotabarba istileen,Inkastoo Maamulkii FAYSAL KHALIIF Iyo WELCOME ay ku soo beegmeen Xili uu jiro isfaham iyo karti ay saxiibadood soo karaariyiin xiligii Adkaa.

 

Waxaa hore u jirey yaacsanaan iyo kala tabasho uu gabay hogaankii 3dii sano Ee la soo dhaafay balse waxaa Guul ah In wax walba looga gubey Maanta Ee aan Shalay dib loogu laaban,Markaan u soo laabto Hanaankii wax u dheceen Waxaan Orankaraa waxaynu fahamney Masuuliyad aan lahayn oo ahayd inaan 3 Maalmood iyo Sadex habeen u soo jeedno Masiirka warbaahinta oo aan wakhti iyo fikirba u hurnay daneheena U baajinay.

Korjoogtadii doorashada ,Waxaanu tusnay Inaanu Anagu Qiimaysanahay Ee aanaan Qiimaynba hanbayn taasina Waxaan ku Amaanayaa Saxiibadan howshan ku mideysanahay,Iyadoo aan Ogayn 20kii sano ee u dameyey tirade Waruyaasha gobolku halka ay tiro ahaan iyo tacliinba ka jogeen oo Maanta laba jibaar sii kordhaya.
Ugu damayntii Waxaan Halkan bogaadin iyo dardaaran Uga dirayaa Saaxiibkeen Wllkeen iyo kooxda Cusub ee hogaanka Inoo qabatay Inay howsha waxbadan ka bedelaan 3sano ee Soo socota oo aan filayo Inay sida kasii wanaagsanaandoonto ,Iyagoo waxkabaranya hogaankii ka horeyey.
Guul iyo hour-socod
Maxamed Axmed
W/Q Maxamed Axmed Ciise

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*