26th July 2024  admin  Category :

165 Xildhibaan oo Culusoow ka soo horjeeda oo caawa ku shiraya Muqdisho

Culusoow oo muraaradilaac ah

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee Isbedel doonka ah,  oo tiradoodu gaarayso 165 Xildhibaan  ilaa 170 Xildhibaan  ayaa caawa ku shiraya huteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa ka soo wada  hor jeeda hogaan xumadda Xasan Culusoow iyo Musuqmasaqii uu dalka ku soo hogaaminayey afartii Sano oo uu xilka madaxweynaha Soomaliya soo hayey. Xildhibaanaadan isbedel doonka ah, ayaa dhamaantood  waxay heshiis ku yihiin in mar labaad uuna Xasan Culusoow xilka ku soo laaban. Xildhibaanadan maanta dhowr Musharax ayeey kala taageer san yihiin . lamase garan dooro maalinta doorashada halka codkoodu aadi doono, Inkasta oo loo badinayo in Cumar cabdirashiid uu heli doono kalsoonida Xildhibaanada.

Sidoo kale Meel aan ka fogayn huteel jazeera.  ayaa iyaguna waxa shir ku leh Odayaasha beelaha Hawiye ee Xasan  Xaad hogaamiyo  iyo Xasan Culusoow oo soo wada shaqaysanay Dhowr iyo labaatankii sano ee Soomaaliya burburka ku jirtay. Lama garan karo go’aanka ay wada qaadan doonaan Xasan Culusoow iyo Odayaasha Xasan Xaad hogaamiyo. Laakiinse waxa la ogyahay inaanay horay uga soo shaqayn dan Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*