25th October 2024  admin  Category :

Faysal Cali Waraabe oo ah shaqsi ku shaqeeysta mid ka mid ah xisbiyada Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa ku tilmaamay Farmaajo, Cawad, Jamaal iyo Cabdicasiiis ineey yihiin dad cadaawad qaba oo soo cellinaya dawladdi Kacaanka, isagoona ku tilmaamay ineey yihiin carruurtii laga qaaday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, dabadeedna meelahaas wax ku soo bartay.

Dawladda federaalka oo dadka oo dhan ay wada maamulanayaan ayuu ku sheegay in Farmaajo, Cawad, Jamaal iyo Cabdicasiis ay dalka oo dhan sideey doonaan ay ka yeelaan taas oo ah mid aan waxba ka jirin.

Dhinaca kalle, waxa uu yiri reer yar oo Maxamuud Saleebaan la yiraah ayaa noo hanjabaya, dawalad beey iska dhigeen, Puntland beey la baxeen, waxeeyna leeyihiin ayuu yiri Sool iyo Sanaag baan xorreeyneenaa. Sidoo kalle, Suldaan Siciid ayuu sheegay in aysan Maxamuud Saleebaan waxba ka cellineeyn xuduudana aan cidina qaadi karin. Isaaq oo maanta Daarood u hanjabaya waa mid ka mid ah callaamadaha aduunka jah wareeray.

Hadaba, Faysal ayaa ah shaqsi aan dhul badan marin taas sababteedana waxeey keentay in Faysal Maxamuud Saleebaan uu arko jifi yar. Horey Soomaalidu waxeey u tiri, “Nimaan dhul marin, dhaayo ma leh”

Faysal oo marba dhinac isku qaadaya ayaa walwalka haya dartiis waxa uu dhinac leeyahay awood ayaan leenahay, dhinaca kalle wuxuu leeyahay waxaan u yeeraneenaa Hawiye iyo Dir. Hadaba, miyeey is gashaa xoog baan leenahay iyo cid baan u yeeranayaa wax naga cellisa? Faysal waa shaqsi la mid ah dooli haan ku weeynaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*