26th July 2024  admin  Category :

Maamulkii gobolka iyo nuska ahaa ayaa yeeshay  178 Xildhiban

Maamulka Gobolka Galguduud iyo qayb ka mid ah gobolka Mudug ka kobnaa  oo horay Beelaha Sacad iyo Cayr   ugu heshiiyeeen in Beeli qaadato Madaxweynaha halka  beesha kalena ay iyadu  qaadanayso Ra’isulwasaaraha Galmudug  ayaa maantana waxy ku wada  ku heshiiyeen  inay wada samaystaan Baarlamaan ka kooban 178 Xildhibaan

Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska Midowga Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo Baarlamaanka Galmudug uu noqnayo 178 Xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Raisul wasaraaha Galmudug   Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Baarlamaanka Galmudug ayaa horay u ahaa 89 Xildhibaan, waxaana tirada intaas oo kale waxay imaaneysa Ahlusuna, taasoo isku darka noqoneysa 178 Xildhibaan.

 

https://allsanaag.com/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-waa-maxay-shaqadiisu/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*