31st October 2024 admin Category :
Maamulkii gobolka iyo nuska ahaa ayaa yeeshay 178 Xildhiban
Maamulka Gobolka Galguduud iyo qayb ka mid ah gobolka Mudug ka kobnaa oo horay Beelaha Sacad iyo Cayr ugu heshiiyeeen in Beeli qaadato Madaxweynaha halka beesha kalena ay iyadu qaadanayso Ra’isulwasaaraha Galmudug ayaa maantana waxy ku wada ku heshiiyeen inay wada samaystaan Baarlamaan ka kooban 178 Xildhibaan
Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska Midowga Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo Baarlamaanka Galmudug uu noqnayo 178 Xildhibaan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Raisul wasaraaha Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran baarlamaanada dowlad goboleedyada.
Baarlamaanka Galmudug ayaa horay u ahaa 89 Xildhibaan, waxaana tirada intaas oo kale waxay imaaneysa Ahlusuna, taasoo isku darka noqoneysa 178 Xildhibaan.
https://allsanaag.com/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-waa-maxay-shaqadiisu/