26th July 2024  admin  Category :

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Itoobiya oo ka dhacay Caasimadda Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kummanaan shacabka reer Muqdisho ah oo ka kala yimid degmooyinka  Gobalka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran kala qaybgalay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso dhulka iyo badda Soomaaliya, gaar ahaan heshiis kusheegga ay la gashay Maamulka Soomaliland.

Dibad baxayaasha ayaa socod dheer ka soo bilaabay KM4, kuwaasi oo lug ku tegay ilaa iyo Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Dadka isu soo baxa ka qeybgalay ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah xadgudubka Itoobiya ee Madax banaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.

Isu soo baxaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo balan qaaday inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda Hooyo.

Mas’uuliyiintii kala duwaneyd ee banaan baxa ka qeybgalay ayaa ku tilmaamay heshiis beenaadka ay dowladdu laashay in uu yahay mid xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya; isla markaana madaxda Dowladda iyo shacabkooduba ay ka go’antahay difaaca taako ka mid ah Bariga, badda iyo hawada Soomaaliya

Mas’uuliyiinta ayaa dhanka kale tibaaxay in Ra’isul  Wasaaraha Itoobiya uu ku fashilmay siyaasadda Arrimaha Gudaha dalkiisa, isla markaana uu doonaayo in uu dhibaato kale abuuro, si uu culayska iskaga yareeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*