20th May 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca horumarinta magaalooyinka (SURP II) oo dhowaan lagu kordhiyey lacag $20 million ah oo loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ay abaaruhu ka soobarakiciyeen gobolada ee soogalay magaalooyinka Dalka.

Munaasibadda daah-furka waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay Bangiga Adduunka (World Bank), Haayadda IOM, Maayarada Garoowe, Baydhabo iyo Xog-hayaha Gobolka Banaadir oo matalayey Maayarka Muqdisho oo wajiga 1aad ee mashruuca laga fulinayo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir ayaa sheegay in dadka abaaruhu soobarakiciyeen aysan cunto kaliya u baahnayn, hasayeeshee Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay kaga qayb qaadanaso gurmadka abaaraha in ay u dhisto Guryo, Ceelal, Goobo waxbarasho, Waddooyin & Goobo caafimaad.

Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka (SURP II) ayaa qaabilsan dhismaha Waddooyinka dhexmara magaalooyinka iyadoona laga fuliyo dhammaan Dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo uu maal galiyo Bangiga Adduunka (World Bank).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*