28th March 2024  admin  Category :

Biixi oo Martiqaad U Sameeyay Eego la sheegay inay  Ka Soo Qaybgaleen  Shirkii Ictiraaf-raadinta Ee ka Dhacay Hargaysa

Horjoogaha maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin,   Gacan ku dhiigle Biixi  ayaa casho sharaf u sameeyey ergo la sheegay nay kasoo qayb gashay shirkii dib u eegista siyaasadda arrimaha dibadda ee ka socday magaaladda Hargaysa.

Wasiirka arrimha dibadda maamulka SNM Sacad Cali Shire ayaa ergadani kusoo dhaweeyay xafladda Biixi  ugu yeedhay iyo guud ahaan beesha Isaaq , waxaanu sheegay  Sacad in beesha Isaaq  ay si weyn uga dharagsan tahay abaal-na ay u hayso ergadan iyo dalalka ay ka yimaadeenba sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka “Mudanayaal iyo marwooyin kusoo dhawaada xafladda iyo cashada uu idiin sameeyay Muuae Biixi , waa habeen farxad leh inaynu halkani ku wada kulano dhamaanteen, waxaan jecelahay mar labaad iyo mar-saddexaadba inaan idinku soo dhaweeyo Somaliland” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibada Somaliland

Bal Ilaahay Amarkiis dalalka ay ka soo jeedaan DIB JIRIINTA  Iciraafka u raadinaya beesha isaaq ee Daaroodkii uga cararaya  Soomaaliya , ayaa waxa ku soo  dhoweenaya Daaroodkii  . Daawo Iimaan oo ku  soo dhowaynaysa Maaraykanka Adna Aadan, Ictiraafku Sool iyo Sanaag ayuu yaalaa

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*