26th July 2024  admin  Category :

Yaa joojin kara in dhiiga  Beesha Dhulbahante  lagu  daadiyo dhoolatus Beeleed ?

Madaxweyne kasta ee  soo maray maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin ee SNM, Si uu bulshada Irisamaale ee ku nool gobolada waqooyiga Soomaaliya  u tuso inuu yahay nin adag oo aan loo geli karin wuxuu dhoola tus ku sameeyaa inuu si sahlan ku daadiyo dhiiga bulshada  aan hubaysnayn ee ka soo jeeda gobolka Sool ama degaano ka mid ah gobolka Sool ayaa inta Tikniko soo geliyaan  waxay   ka qaataan sawiro ay  hadhow soo geliyaan websetyadooda, si ay taariikh hor leh u samaystaan

Ma jirto beel Soomaaliyeed  oo  Isimadooda iyo waxgaradkoodu ka aamuseen  oo aan jawaab ka bixin intii dagaalada sokeeye Soomaaliya ka socdeen  wixii maanta ka dhacay Tukaraq, oo dad aan hubaysnayn oo aan colaad sugayn inta Tikniko la dul keenay oo la qabsaday, la argagx geliyey  la yiri waa dhoola tus loo dirayo  madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo iyo Dawladda federaallka.

Cigaal , Tuur, Riyaake, Siilaanyo dhamaantood arinta ay dhiiga Dhoolatuska ku dadiyeen waa sameeyeen. Muuse Biixina maanta ayuu sameeyey, waana ogyahay inaan lagula xisaabtamayn oo qaar ka mid ah beesha uu sidaa ku sameeyey ay ugu sacab tumi doonaan.

Ugu danbayntii, canbaarayn, warsaxaafadeed iyo bulshada caalamka oo la ogaysiiyaa  joojin maayan Isaaq oo doonaya inay taariikh hor leh samaystaan.

ALLSANAAG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*