7th October 2024  admin  Category :

Waxaa maanta Xarunta dhexe ee Guddiga KMG doorashoyinka Puntland Booqasho ku yimid Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin maxamed Axmed Dhoobo Daareedd iyo masuuuliyiin la socday oo ka midyihiin wasiir Hore xareed xasan, xildhiban hore Axmed Maxamed Dubays kana mid ahaan jiray guddiga, mahad maxamud hogaamo iyo cabdikariin cabdullahi xaashi oo ka Mid Ah qurbajooogta Puntland.

Guddiga ayaana uga warbixiyay Shaqada guddiga iyo halka ay marayso barnaamijka Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golayaasha deegaanka Puntland, sidoo kale waxay uga mahadceliyeen booqashada uu ku yimadee xarunta dhexe ee Guddiga. Ugu danbayn Guddoomiyihii hore Mudane Cabdixakiin iyo masuuliyiintii la socday ayaa Guddiga ku amaanay shaqada balaaran ee ay u hayaaan bulshada iyo Qorsha dhamaystirka Doorashoyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*